Traditional Arts Network
عربي | English | Français | Lingála | Português | Soomaali | Español
Dalada Farshaxanka Dhaqanka (TAN) waxaa weeye urur farshaxaniistayaal iyo uruuriyayaal dhaqan. TAN waxay bixiyaa taageero iyo qaab dhismeed farshaxanada cusub ah, iyo hay’adaha dhaqanka ee kasoo jeeda bulshooyinka Maine ee Rwandan, Burundi, Congolese, Somali, iyo Somali Bantu, iyo kuwo kale.
Riix halkan si aad u codsato Sanduuqa TAN. Codsiyada waa in la soo gudbiyaa May 31, 2023.

Iskaashiga ka dhaxeeya Mayo Street Arts (MSA) iyo Cultural Resources, TAN waxay ka timid wada hadal farshaxanada dhaqanka ee deegaanka ee doonaya isku xidhaan bulshooyinka iyo farshaxanada soo galaytiga ee kale.
Iyada oo lagu heleyo farshaniista kale, xirfadlayaasha farshaxanka sida fiidyawga dadka duuba, nashqadeeyayaasha, iyo khabiirada dhaqanka; iyo sidoo kale hay’adaha maalgeliya ee samofalka ah, TAN sidoo kale waxay siisaa farshaxaniistayaasha soo galaytiga ah fursad ay diirada ku saaraan nidaamkooda ikhtiraac iyo-marka ay u arkaan farshaxaniistayaashu laftoodu wax loo baahan yahay-inay baraan shaqooyinkooda dad badan iyaga oo ilaalinaya dhaqankooda.
Xubinimada TAN waxay u furan tahay cid walba oo doonaysa inay ka qayb gasho. Waxa aanu kugu casuumaynaa inaad iimeel u dirto TAN@mayostreetarts.org hadii aad doonayso inaad hesho macluumaad ku saabsan munaasabadaha iyo fursadaha soo socda.
Barnaamijyada wakhtigan ee TAN waxaa kamid ah:
- Uruurinta Farshaxanka – Fursad lagula kulmayo farshaxaniistayaasha kale, lagu wadaagayo farshaxankooda, oo wax lagu kala baranaayo
- Deeqda TAN – Deeq yar oo farshaxanada dhaqanka ah oo u dhaxaysa $500-$1,000
- Tobobar Farshaxanka Dhaqanka ah – Taageero dhaqaale oo farshaxanka lagu doonayo ah in loogu gudbiyo dhaqanka jiilka soo socda
TAN waxaa lagu taageeraa qayb kamid ah taageero laga helo Tixgelinta Qaran ee Farshaxanka iyo Gudida Farshaxanka Maine, hay’ada madax banaan oo gobolka ah oo ay taageerto Tixgelinta Qaran ee Farshaxanka.
