Tobobarka Waxbarasho ee Farshaxanka Dhaqanka

عربي | English | Français | Lingála | Português | Soomaali | Español

Barnaamijyada Tobobarka Farshaxanka Dhaqanku waxay ka caawiyaan bulshooyinka inay ilaaliyaan dhaqankooda iyada oo siinaya fursad waxbaris oo laga helo dadka xeeldheerayaal ah oo xirfadooda u gudbinaya dadka la tabobarayo. Farshaxanka Dhaqanka waxaa isku gudbiya jiilashada taas oo caadiyan marka qoysaska iyo bulshooyinka oo waxay yeelan kartaa qaabab faro badan oo ay kamid yihiin codad iyo agab muusig, jaas, farshaxan, iyo farshaxan sawir ah, iyo dhaqan shaqo.

Iyada oo laga duulayo khibradooda iyo dadaalkooda nooc farshaxan ah oo gaar ah, tobobarayaasha iyo dadka la tobobarayaa waxay wada dalbanayaan shaqo, caadiyan ilaa hal sano kahor. Ilaa $3,000 ayaa loo heli karaa kharashka wax dhigista khabiirka, agabka iyo kharashka safarka.

Yaa noqon kara Tabobare?

Tobobaruhu waxaa weeye qof ku jira, oo khabiir ah, dhaqanka, farshaxanka ama farsamada. Waxaa weeye sidayaasha dhaqanka, aqoon u leh bulshadooda shakhsi ahaan si ay u wadaan dhaqan gaar ah. Caadiyan waxay wax ku baraan tusaale halkii ay wax ugu bari lahaayeen tobobar aqooneed, tobobaraha waxaa ka go’an inay nooc farshaxan ah u gudbiyaan oo ka yimid bulshooda dhaqan ahaan.

Wa ayo cida la tobobarayaayi?

Cida la tobobarayaa waa inay leedahay awood gaar ah iyo fahan nooca farshaxanka caadiga ah oo laguna arko dadaal uu doonayo inuu kula shaqeeyo tobobaraha. Tobobarayaashu caadiyan waxay doortaan ciday tobobarayaan. Cida la tabobarayaa waa inay la wadaagaan taariikhdooda tobobarayaashooda.

ARJIYADA WAKHTIGAN LAMA AQBALAYO

Guji halkan si aad u aragto arjiga PDF-ka ee ugu danbeeyay (ingiriis).

Hadii aad doonayso inaad wax ka ogaato fursado mustaqbalka ah oo tobobar, fadlan iimeel u dir TAN@mayostreetarts.org ama kala hadal Mayo Street Arts 207-879-4629.


Tobobarka Farshaxanka Dhaqanka ah waxaa lagu taageeraa qayb kamid ah taageero laga helo Tixgelinta Qaran ee Farshaxanka iyo Gudida Farshaxanka Maine, hay’ada madax banaan oo gobolka ah oo ay taageerto Tixgelinta Qaran ee Farshaxanka.