Deeqda TAN

عربي | English | Français | Lingála | Português | Soomaali | Español

  • May 1, 2023 – Codsiyada Furan
  • May 31, 2023 – Xilliga kama dambaysta ah ee arjiga
  • Juun 23, 2023 – Ku-guuleystayaashii waa lagu dhawaaqay
  • Juun 30, 2023 – Abaalmarinada waa la bixiyay

Riix halkan si aad u codsato Sanduuqa TAN.

Deeqda TAN waxay bixisaa deeq yar oo $500-1,000 ah si looga gudbo caqabadaha dhaqaale ee mudada gaaban iyo in loo dhigo sayska yoolasha mudada dheer. Nidaamka waxaa loogu talo geley inuu siiyo farshaxanka caqabad yar, khibrada kowaad ee arjiyada deeqda.

Deeqdu waxaa loo adeegsan karaan in lagu taageero hawlo kala duwan oo ay kamid yihiin in farshaxanka loo siiyo lacagta si ay usoo bandhigaan iyo inay baraan dadka, iibsiga xayaysiis munaasabad, duubista fiidyaw iyo soo saar, sawiro, nashqadayn websayt, kharashka gaadiidka, iibsiga agab iyo qalab, iyo meel uu ku barbarto.

Sanduuqa TAN waxaa maamuli doona Mayo Street Arts waxaana dib u eegi doona Guddiga Maalgelinta TAN kaas oo ka kooban xubnaha bulshada ee Portland iyo Lewiston/Auburn.

Sanadka 2022, fanaaniinta soo socdo waxa ay heleen abaalmarinada Sanduuqa TAN:

  • Baba Ly — Gitaar tume iyo sheeko yaqaan kasoo jeedo Fulaani, waxa uu iibsan doonaa nidaamka dhawaqa xirfadeed si uu ugu taageero shaqadiisa
  • Batimbo United — Kooxda durbaanka & qoob kaciyaarka oo ree Burundi ah; waxa ay kadhimi doontaa kharashyada dhoofinta oo lagu soo rarayo durbaano cusub oo laga keenayo Burundi
  • Fanfare Kimbanguiste (FAKI) — koox kaniisad oo ree Koongo ah; waxa ay u soo iibsan doonaan qalabyo dheeraad ah kooxdooda, oo uu kujiro qalabka buunka
  • Jawad Al Fatlawi — Kuxeeldheer garaacista & sameynta kabanka; waxa uu bilaabi doonaa sameynta kaban cusub, oo gitaarka u eg “Ildahab”
  • Michelle Kazaka — Qoraa & sheeko yaqaanad, waxa ay daabici doontaa & oo hormarin doontaa xusuus-qorkeedii, “Intuu La’eg Yahay Habeenka”
  • Namory Keita — Durbaan garaace facweyn oo ree Gini ah; waxa uu durbaano cusub u soo iibin doonaa ardaydiisa si uu ugu kobciyo xirfadiisa macalinimo
  • Sabina Najafova — Qoob kaciyaarad & farshaxaniyad muuqaaleed oo kasoo jeedo wadanka Asarbayjaan; waxa ay soo iibsan doontaa agabyada farshaxanka muuqda iyo labiska bandhigyada
  • Sayalí Robles — fanaan Taino asalka oo leh asal Afrikaan ah; waxa uu sameyn doonaa kooxda tababarka qoob kaciyaarka Bomba waxa uuna dhaqanka Borikén (hadda loo yaqaano Puerto Rico) keeni doonaa Maine

Deeqda TAN waxaa suurto geliyay taageero laga helo Gudida Farshaxanka Maine, hay’ada madax banaan oo gobolka ah oo ay taageerto Tixgelinta Qaran ee Farshaxanka.